Wargeyska New York Times Oo qoray in Farmaajo iyo Jawaari ay ku heshiiyeen dowlad sal ballaaran in la dhiso

Wargeyska caanka ah ee New York Times oo wax ka qoray is casilaadii Guddoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa ku tilmaamay is casilaadiisa in ay ku timid kadib markii ay ku heshiiyeen in la dhiso dowlad sal ballaaran.
 
Sida ay u sheegeen wargeyska qaar ka mid ah dadka ku dhow dhow Jawaari ka hor inta uusan is casilin in shuruudaas ay hordhigeen, hase yeeshee Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo markii ugu horeysay ka hadlay is casilaada ayaa sheegay inuusan jirin shuruud lagu xiray is casilaadi Guddoomiye Jawaari.
 
“Waxaa jirey khilaaf ka dhex jirey hay’adaha dowliga ah muddo ka badan shan sano soo jiitamayay, kaasoo salka ku haya arrimo ay ka mid yihiin isu dheelitirka awooda xukunka.”ayuu u sheegay wargeyska Michael Woldemariam oo ah kaaliye jaamacada Boston University.
 
Wargeyska ayaa sidoo kale qoray halka uu khilaaf u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo guddoomiyihii iscasilay uu ka bilowday kadib markii bishii hore uu Baarlamaanku ansixiyay sharci ah in heshiisyada maalgelinta dibadeed ay tahay in la soo marsiiyo baarlamaanka taasoo loo tarjumay in uu caqabad ku yahay hay’adaha fulinta.
 
“Kulankii baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya uu sharci darro kaga dhigey heshiiska dhex maray shirkada DP World iyo maamulka la magac baxay Somaliland lagalama tashan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.”ayuu wargeysku sii raaciyay qoraalkiisa.