Warsame

Warsame”

 

Wiil yaroo saddex jir ah oo Warsame la yidhaahdo iyo hooyadii ayaa rugta caafimaadka ku sugnaa oo dhakhtarka dhawrayay. Dabadeed Warsame ayaa arkay haweeney uur leh oo kob dhowr tallaabo u jirta fadhida. Kolkaa ayuu xaggeedii u soo yara dhaqaaqay oo u yimid.

 

“Maxay calooshaadu u weyntahay?” – ayuu weyddiiyey.

“Ilmo ayaa ku jira.” – ayay qoftii dumarka ahayd ku warcelisey.

“Ilmuhu ma calooshaaday ku jiraan?” – ayuu weyddiiyey, isagoo indhihiisii xoog u kala qaaday.

“Haa, maandhow, caynkaa weeye.” – ayay tidhi.

“Ma canug wanaagsan baa?” – ayuu weyddiiyey, isagoo garanla’ wax uu ku nisbeeyo.

“Allah, haa! Runtii waa sebi yaroo wanaagsan .” – ayay haweeneydii ku jawaabtay.

Qarracan iyo afkalaqaad ayay ku noqotay. Kolkaas ayuu su’aalay: “Haddaba maxay tahay sababta aad u cuntay?”

Gobaad Cumar Guuleed

London, 18.03.2018