Ra’isalwasaaraha itoobiya Oo ku dhawaaqay Golahiisa Wasiirada Ee cusub

Ra’isul wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa maanta magacaabay golihiisa wasiirada.
 
Golaha wasiirada cusub oo ka kooban 16 wasiir ayaa waxaa ku jira wasiiro hore oo xilal kale loo magacaabay, waxana ka mid ah wasiirkii hore ee macdanta, oo hadda laga dhigay wasiirka gaashaandhigga iyo wasiiro kale.
 
2dii Bishan ayaa Abiy loo dhaariyay Ra’isul Wasaaranimada Itoobiya.
 
Waxaana Wasiirka Warfaafinta loo magacaabay Axmed Shidde oo ka soo jeeda dowlad Degaanka Somalida Itoobiya kana tirsan Xisbiga Talada Maamulka Dowlad Degaanka haya.
 
Axmed waxaa lagu beddelay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Itoobiya Negeri Lencho,waxaana magacaabistan ay ka mid tahay isbeddellada uu ballan qaaday Ra’isalwasaaraha cusub ee Itoobiya.
 
Ra’isalwasaare Abiye oo Baarlamaanka ka hor hadlayay ayaa ka codsaday in ay u meel mariyaan 6 wasiir oo uu ku sameeyay isku shaandheyn iyo 10 Wasiir oo cusub,kuwaas oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada Itoobiya.