Video:-Barnaamijka tirakoobka shaqaalaha dowlada oo la daahfuray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre, ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda, kaas oo looga dan leeyahay in la helo xog dhamaystiran oo ku saabsan shaqaalaha. Waxaan ka soo qayb galay xubno ka socday gollaha Wasiiradda iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha iyo shaqaalaha dawliga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in shaqaalaha Rayidka ah ay aasaas u yihiin nidaamka dawliga ah ee dalka, lagamana maarmaan ay tahay in la helo tirada saxda ah ee Shaqaalaha, si loo gaaro hadafyadda dawladdu uu hogaaminayo Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xukuumaduna ay fulinayso.

“ In la tirakooba shaqaalaha waxay inoo suurta galin in la helo tirada iyo tayada aan haysano inta ay la egtahay, in aan u diyaar garowno sidii loo dhisi lahaa tayada loo baahan yahay, in aan u diyaarino shaqaalaha rayidka ah sidii ay ula falgali lahaayeen aduunyadda iyo in aan nahay dawladd ka dhabaysay isla xisaabtanka”

“Mushaarka ay bixiso dawladdu waxaa laga soo qaadaa shacabka Soomaaliyeed oo ugu tala galay in ay ku caawiyaan dawladoodda. Marka waa in loogu qabataa adeegyada ay rabaan qof walbana uu mas’uuliyad iska saaraa shaqadiisa, si aannan ugu tuman xaquuqada shacabka Soomaaliyeed”.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka