Jeneral Caanood iyo Ciidan uu wato Oo weeraray Saldhigii Imaaraadku ka guuray

Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa ku dagaallamay Xerada Jeneraal Gordan oo ku taalla Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
 
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in weerarkan ay ku lugleeyihiin saraakiil ka tirsan Milatariga Dowlada Fadaraalka Soomaaliya kuwaas oo isku dayay in ay Gaadiid kala baxaan Xerada Ciidanka.
 
Ciidamada ku sugan Xarunta uu ka guuray Imaaraadka ayaa saraakiisha Ciidanka xoogga dalka waxaa ay u diideen in ay gaadiid dagaal kala baxaan Saldhigga,hayeeshee ay rasaas kala hortageen.
 
Ciidamada weerarka ku qaaday Saldhigga dhawaan laga guuray ayaa la sheegayaa in uu wato Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdullahi Cali Caanood,iyada oo Rasaas waaweyn la isku riday.
 
Ilo kudhow Saraakiisha ku sugan Saldhigga ayaa sheegay in Ciidanka Saldhigga Jeneraal Gordan ku sugan aysan haysan Hub fara badan iyo Rasaas ku filan islamarkaana Ciidanka Abaanduuluhu wato ay isku dayayaan in ay xoog ku galaan xarunta.
 
Waxaa kale oo ay warar iskhilaafsan ka soo baxayaan sababta Ciidamadaas ku sugan Saldhigga Jeneraal Gordan ee uu dhawaan ka guuray Imaaraadka loo weeraray.