Musharaxiin isku diiwaangaliyay doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka

Gudoomiyaha Guddiga doorashada Afhayeenka Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Iidoow Beyle ayaa soo bandhigay Magacyada Musharixiinta maanta isdiiwaangalisay ee utartameysa Doorashada 30-ka Bishan dheceysa.
 
Iidoow ayaa sheegay iney maanta Shahaadooyinkooda Musharaxnimo ay gudoonsiiyeen 5 Kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, Waxa uu sheegya iney buuxiyeen shuruudihii laga doonayay, Sidoo kalena ay yihiin kuwa Maanta isdiiwaangaliyay Xubno ubadan Wasiirada Kheyre oo xilalkoodii iska soo casilay.
 
Magacyada Xildhibaanadan is diiwaangaliyay ayaa kala ah:-
 
1.Xildhibaan Ibraahim Yaroow Isaaq,
2.Cali Siikh Xaaji Cali,
3.Saalim Caliyoow Ibroow,
4.Shiikh Aadan Madoobe
5.C/Casiis Lafta Gareen.
 
Gudooimiyaha Guddiga doorashada Xildhibaan Nuur Iidoow Beyle ayaa dhinaca kale sheegay iney qabaan rajo ku aadan in si fudud ay udhamaato Shaqada Guddigooda, waxa uu sheegay in shaqadii utaalay badi kamid ah ay uqabsoontay.
 
Ugu Danbeyn, Waxa uu cod dheer baaq ugu diray Shacabka oo ku aadan iney usoo duceeyaan Guddiga oo hortaala howl culus, Isagoona dhankooda sheegay iney si cadaalad ah ugudanayaan Howsha loo igmaday.