Uganda:-Urur Goboleedka IGAD Oos hir uga furmayo Kampala

Magaalada Kambaala ee caasimada dalka Ugandha ayaa waxaa ka furmaya shir laba maalin ka socon doono oo looga hadlaya xaaladaha ka jira dowladaha Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan.

Kulanka urur Goboleedka IGAD ee berri ka furmaya Kambaala ayaa waxaa ka qeyb gala Wasiirada Arimaha dibada, Wasiirada Arimaha Guddaha ee wadamada ku jira Ururkaani, Xildhibaano iyo Khuburo kala duwan oo ka socda hay’addaha caalami ah.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlayaa dhaq dhaqaaqa xorta ah  ee Qaxootiga labadaasi Waddan ee gudaha dalalka IGAD, Qaxooti badan oo Soomaali ah ayaa ku jira xeryaha Qaxootiga ee dalka Ugandha.

Dowladaha ku mideysan urur Goboleedka IGAD ayaa horay u sheegay in aad ay ugu walaacsan yihiin dhibaatooyinka ka jira wadamada qaar ee ka midka ah Ururkaan.