Video:-Madaxweyne Gaas”Waa in si deg-deg ah lagu soo celiyaa xiriirkii wanaagsanaa Ee Imaaraadka iyo Somaliya”

Si aan ka gabasho lahayn oo dhaqkhso ah,waa in looga shaqeeyaa soo celinta xiriirkii wanaagsanaa ee aan la lahayn dowlada Imaaraadka Carabta”ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri”Xiriirku waa in uu kusoo laabtaa siduu ahaan jiray markii uu joogay ra’isalwasaarihii hore”.

Shacabka Somaliyed ayaa baahi uqaba xiriirka Imaaraadka oo wanaagsanaada maadaama Umada Somaliyed ay dhan walba uga maarmin dalka Imaaraadka Carabta.

Dadka falanqeeya siyaasada Somaliya ayaa ku tilmaamay hab dhaqanka dowlada Fadaraalka ah ee ay majaraha u hayaan xiligan kooxda Nabad iyo Nolol mid qar iska xoornimo ah oo aan ku salaysnayn rabitaanka shacabka iyo danaha dalka.

Madaxtooyada Somaliya waxay ka dhigeen laan sirdoon oo ay Qatar ku leedahay Geeska Africa”sidaa waxaa yiri mid kamid ah falanqeeyayaasha arimaha Geeska Africa.

Hadalka Madaxweyne Gaas ayaa ah mid ay u riyaaqeen Somalida maskaxda furan ee aan lagu marin habaabin barnaamijka ku dhisan igu sawir ee loo yaqaan Nabad iyo Nolol.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka