Video:-Wasiirkii labaad Oo maanta iska casilay dowlada RW Khayre

Ibraahim Isaaq Yarow oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay inuu buuxiyay shuruudii Guddiga qaban qaabada doorashada, iskana casilay xilkii Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.

Shir jaraa’id oo uu goor dhow qabtay ayaa sheegay inuu u hoggaansamay shuruudii Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, oo aheyd in qof haya xil Wasiir aanu tartami karin, illaa uu iska casilo.

“Waxaa rabaa inaan halkan ka caddeeyo inaan iska casilay xilka Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaa u gudbiyay warqadii istiqaalada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha”ayuu yiri Ibraahim Isaaq Yarow,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka