Wararkii Ugu danbeeyay bililaqadii iyo iska horimaadkii ka dhacay xerada Gordan Ee imaaraadku baneeyay

5-qof ayaa ku geeriyootay,sidoo kale tiro kale ayaa ku dhaawacantay dagaalkii saakay dhexmaray Ciidamada xerada Jeneral gordon ee Imaaraadku tababara ijiray iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Fadaraalka ah.
 
Wararka ayaa sheegaya in weerarkan ay ku lugleeyihiin saraakiil ka tirsan Milatariga Dowlada Fadaraalka Soomaaliya kuwaas oo isku dayay in ay Gaadiid kala baxaan Xerada Ciidanka.
Ciidamada ku sugan Xarunta uu ka guuray Imaaraadka ayaa saraakiisha Ciidanka Milatariga dwolada Fadaraalka waxa ay u diideen in ay Gaadiid dagaal kala baxaan Saldhigga,hayeeshee ay rasaas kala hortageen.
Ciidamada weerarka ku qaaday Saldhigga dhawaan laga guuray ayaa la sheegayaa in uu wato Abaanduulaha Ciidamada dwolada Fadaraalka Jeneraal Cabdullahi Cali Caanood,iyada.