Mid ka mid ah Hoggaamiyayaasha Sare Ee Xuutiyiinta Yemen Oo dukhayan lagu dilay

Telefishinka Al-carabiya ee laga leeyahay Sacuudiga, balse Xaruntiisa Dhexe ku taallo Imaaraadka Craabta ayaa maanta soo bandhigay Muuqaalka Duullaankii Diyaaradaha Isbahaysiga Sacuudiga ee fuliyey duqeyntii lagu dilay Madixii Golaha siyaasadda ee xuutiyiinta, Saalax Cali Al-samad.
 
Telefishinka ayaa sheegay inay heleen Muuqaalka muujinaya isla daqiiqadii ay Duqeyntaasi dhacday.
 
Xogta Telefishinka Al-carabiya ayaa lagu sheegay in Hoggaamiyahaasi lagu dilay duqeyn ka dhacday meel ku dhow Deegaanka Al=burayhi ee Koonfurta Gobalka Xudeydah.
 
Al-carabiya waxay kaloo sheegtay inuu Hoggaamiyahaasi xabsi guri lagu hayey dhowrkii isbuuc ee la so odhaafay, kadib, markii uu khilaaf soo dhex galay isaga iyo HOGGAANKA Sare ee Xuutiyiinta.
 
Maleshiyadda Kooxda Xuutiyiinta waxay xaqiijiyeen dilka Saalax Cali Al-samad, oo isagu ah Hoggaamiyaha Labaad ee ay Isbahaysiga Sacuudiga ku raad joogeen.