Wasiirkii Gaashaandhiga Somaliya Oo iscasilay

Maxamed Mursal Siiekh Cabdiraxmaan Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga xukuumadda fedraalka Soomaaliya ayaa goor-dhow ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka Wasiirka Gaashaandhiga.

Maxamed Mursal ayaa isku casilay sidii uu ugu tartami lahaa qabashada xilka Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo guddiga qaban qaabada doorasha guddonka Golaha Shacabka ay sharuud ugu dhigeyn in wasiirkii doonaya in jagadaasi u tartamo marka hore is casilo.

Sida ay sheegeyn qaar ka mid ah guddiga qaban qaabada doorasha guddonka Golaha Shacabka waa wasiirkii Afaraad ee isku casila Ka qeyb galka doorashada guddoomiyaha golaha shacabka.

Galinka dambe ee maanta ayaa la soo gaba gabeyn doonaa isdiiwaan gelinta musharaxiinta u tar tamaya Af-hayeenka Golaha Shacabka, taas oo dhici doonto 30 bishaan Abriil.