Cadaadis xoog leh Oo lagu saaray Madaxweyne Farmaajo in u badalo Fahad Yaasiin!!

Kadib talooyin iyo cadaadis xoog leh oo Madaxweyne Farmaajo la kulmay maalmihii udanbeeyay waxay ubadan tahay in uu ku dhiirado in uu Umada iyo qaranimadeeda ka hor leexiyo hagardaameeye Fahad Yaasiin.

Xogtu waxay tilmaamaysaa in Madaxweyne Farmaajo lamoodo in uu hada soo baraarugayo oo kasoo laabanayo Wasaaradii lagu lugooyay ee Gaashaandhiga.

Madaxweyne Farmaajo waxuu ka fakarayaa in uu isku dayi karo badalaada Agaasimhiisa madaxtooyada ,kaasoo laga yaabo hadii Madaxweynuhu ku dhiirado in loo badalo Hay’ada Saadaasha Hawada Somaliya.

Dagaal xoog leh oo kaga imaanaya gudaha iyo dibada Villa Somaliya ayuu sababay Fahad Yaasiin. waxuu is toos ah iyo si dadban u hagardaameeyay siyaasiyiinta Muqdisho,sidoo kale waxuu dagaal la galay dowladihii Somaliya ay xiriirka soo jireenka ah lahaayeen ,isagoona ka dhex abuuray Somaliya iyo dalalkaa cuqdad iyo kala fogaansho saamayn danbe yeelan doonta.

Fahad Yaasiin oo markii horaba looga digay Madaxweyne Farmaajo magacaabistiisa ayaa haatan waxaa taagan waxkaqabashada dhibaatooyinka uu wado iyo waliba ka daba tagida eelaha uu reebi doono