Dagaal xoog leh Oo ka socda Gobolka Bakool Ee Koonfur-Galbeed

Wararka ka imaanaya degmada Tiyeeglow ee gobalka Bakool ayaa soo sheegaya in dagaal culus uu ka dhacay qayba ka mid ah degmadaasi kadib markii ay Al-shabaab weerarayn Ciidamada Koonfur-galbeed.

Afhayeenka maamulka Koofur Galbeed Nuuradiin Abuukar Gacma ayaa sheegay in dagaalka uu wali socdo hadana aan laga bixin karin faah faahin  ku aadan dagaalkaasi.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa koofur Galbeed oo ku socday howlgal kormeer ah jidka ay u galeen Ciidamo ka tirsan Al-shabaab halkaasna uu dagaal ka bilaawday.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay, dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka uu hadda istaagay balse wali ay dhacayso rasaas goos goos ah.