Sanad kadib kalsoonida shacabku u hayo Madaxweyne Farmaajo halkee maraysaa?

Hay’adda caalamiga ah ee Atlantic Council oo uu fadhigeedu yahay magaalada Washington ee dalka Maraykanka, ayaa qoraal dheer oo ay baahisay waxay ku sheegtay in habacsanaani ay ka muuqato dawladda Soomaaliya ee uu Madaxweyne Farmaajo hoggaamiyo. Waxa kale oo ay warbixntani daaha ka qaaday kooxo ku hirdamaya Mr. Farmaajo dushiisa oo leh dano siyaasadeed oo mustaqbal.

Atlantic Council ayaa ah urur caalami ah oo talooyinkiisa ay ku go’aan qaataan Baarlamaanka Maraykanka, wasaaradda arrimaha dibadda, wasaaradda gaashaandhiga iyo weliba hay’adda CIA. Warbixintu waxay tidhi “Sida lagu baahiyiyey warbixin ay soo saartey xarunta ciidamada dawladda Mareykanka ku leeyihiin dalka Jabuuti ( AFRICOM) ayaa lagu sheegey in weeraro ay ku qaadeen bartilmaameedyo kooxaha Al Shabaab ku leeyihiin Soomaaliya gaar ahaan gaadhi sidey qaraxyo April 11, 2018 kaasoo lagu burburiyey duleedka magaalada Muqdisho. Talaabadaan ayaa aheyd tii Saddexaad ay bishaan gudaheedd qaadaan ciidamada Mareykanka.”

Warbixintu waxay intaas raacisay “Kor u kaca weeraradaan dawladda Mareykanka la beegsaneyso kooxda Al-Shabaab iyo ururka ISIL oo fadhiisimo ku leh qaybo ka tirsan Soomaaliya waxay muujinayaan tabar yaridda ka muuqata dawlada Federaalka Soomaaliya.”

Warbixintu waxay sheegtay in siyaasiyiinta Soomaalidu ku mashquulsanyihiin kooxaysi iyo dano gaar ah, xilli ay ciidamada AMISOM ammaankooda ilaaliyaan “Wadanka Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 ciidamo ka socda dalalka Afrika ( Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda) kuwasoo mushaharadkooda ay bixiyaan midowga Yurub iyo Mareynkanka oo dhinacyo kale ka tageera xogagaan halka dhinaca kale siyaasiyiinta Soomaalida ku mashquulsan yihiin in kooxiba kooxda kale ka takhalusto. Arrimaha noocaan ah waxaa ugu dambeeyey murankii soo kala dhexgaley Afhayeenkii Barlamanka Federaalka ah iyo hay’ada fulinta dowlada sida lagu xusey warbiixntaan. Xilli uu kor u kacayo dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya dhinacyadda iska soo horjeeda ee Soomaaliya, kooxaha xagjirka ah- ay kamid yihiin xubno ahaan jirey Al-Shabaab oo garabsanaya ururada Al-ictisaam., Maxaakiimtii Islaamiga ahaa iyo Islaax- ayaa bilaabey iney ku midoobaan magaca ururka Ictisaam