Video:-Shirweyne looga xaajoonayo amniga guud ahaan Somaliya Oo Garowe ka furmay

Madaxweyne kuxigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey ayaa furay shir gaar ah oo looga hadlayo Ammaanka guud ahaan Soomaaliya, kaas oo ay ka soo qeybgaleen wasiiro ka socda dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka iyo Wasiiro  dawladda Faderaalka ka socda.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa khudbad gaar ah ka jeediyay shirka, waxaana inta uu socdo diiradda lagu saari doonaa xogaha dhanka Ammaanka ah iyo sidii Iskaashi dhameystiran loo sameyn lahaa.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Amniga Fadaraalka Soomaaliya oo madasha kusugan ayaa ka jeediyay khudbad gaar ah oo ku saabsan ammaanka dalka iyo sidda ay wasaaraddiisu u doonayso in guul wanaagsan laga gaaro arrimaha ammaanka ee jira,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka