Video:-Madaxweyne Gaas”‘Soomaaliya ma’aha Muqdisho ‘ Muqdisha-na ma’aha Soomaaliya”

Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta caalamka kula hadlayay magaalada Abu-Dhabi ayaa sheegay in Puntland u madax-bannaan tahay in ay gasho heshiisyo caalami ah sida uu dhigayo ayuu yiri dastuurka dowlad gobolleedka.

Madaxweyne Gaas ayaa meesha ka saaray in dowladda Dhexe matali karto guud ahaanba dalka Soomaaliya isaga oo yiri ‘’ Awooda dalka Soomaaliya oo dhan ma’aha mid ku Urursan Muqdisho, ‘Soomaaliya ma’aha Muqdisho ‘ Muqdisha-na ma’aha Soomaaliya.

Abdiweli Gaas wuxuu sheegay in Puntland Somalia dhul ahaan ka tahay 3 meelood hal qeyb, dad ahaana ka tahay 4 qeybood hal qeyb, Puntland tahay dawladda kaliya ee saaran Badda Cas iyo badweynta India, Dastuurka Puntland qorayo in ay heshiisyo caalami ah geli karaan, kuna dhaqmayaan dastuurkooda, dawladda Soomaaliya go’aan ka gaari karin arimaha Soomaaliya oo dhan ilaa iyo inta laga helaayo Dastuur Rasmiya.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Imaaraadka uu yahay dalka kaliya ee taageera Dowladda Puntland islamarkaana yahay Imaaraadka dal ay wadaagaan Ganacsiga.

Madaxweyne Gaas Waxaa uu sheegay in Dowlada Imaaraadka uu kala dhaxeeyo xiriir aad u dheer dhinaca nabad-galyada ah, gaar ahaan la dagaalanka tahriibka, argagixisada, burcad badeeda iyo waliba kalluumeysiga sharci darrada ah.

‘Heshiiska aan la galnay DP World waxaa uu noqonayaa maalgashigii ugu wanaagsanaa ama ugu ballaarnaa ee aan sameyno tan iyo markii ay bur burtay dowladdda dhexe ee Soomaaliya 1991kii’’ ayuu yiri Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo siweyn u amaanay doorka Imaaraadka ee Soomaaliya.

Maalgashiga shirkadda DP World ayuu ku tilmaamay mid hormar u keeni kara guud ahaanba gobolka, gaar ahaan shaqo abuur loo sameynayo Kumannaan dhalinyaro ah shaqa la’aantu heyso,hoos ka daawo muuqaalka.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka