Kim Jong Un”Waa la Xirayaa Xarumaha Nukliyeerka”

Hoggaamiyaha Kuuriyda Woqooyi Kim Jon Un ayaa wacad ku maray inuu xirayo xarunta hubka nukliyerka ee dalkiisa bisha May oo uuna hanaankaasi u furan yahay khubarada iyo wariyayaasha kuuriyda Koofureed iyo Maraykanka, sidaasna waxaa lagu sheegay hadal ka soo baxay xafiiska madaxtooyada ee kuuriyada koofureed.
 
Kim ayaa hadalkan sheegay intii uu socday kulan isaga iyo hoggaamiyaha kuuriyda koofureed Moon Joe maalintii Jimcaha ku dhex maray magaalada Seol, halkaas oo uu kaga hadlay rajada wanaagsan ee uu ka qabo kulanka la filayo in dhowaan uu dhex mar Kim Jon Un iyo madaxweynaha maraykanka Donald Trump. Isagoo sheegay in madaxweynaha Maraykanka uu baran doono “inuusan ahayn nin” gantaalo ku ridaya maraykan.
 
Moon iyo Kim ayaa intii uu socday kulankooda waxa ay ballan qaadeen in ay si wada jir ah uga wada shaqeyn doonaan dhameystirka in gacanka Kuuriya laga dhigo mid militariga ka caaggan.