Sidee Loola Heshiin?

Sidee Loola Heshiin?

 

Hoo nimaan ku tarayn

Hiilna kuu galahayn,

Hantidaad u yeeshiyo

Intaad maal u hibeeysey

Kuugu haynnin abaal

Hawana aad uga buuxdo,

Hanad baan ahay fiican

Iyo rag adaa u horreeya

Hiyigiisu tusaayo,

Daruurta haadi korkeenna

Iyo cirkaas haaminhayaa.

 

Haddaad hoos u ogaatana

Hungo aan waxba dhaamin

Oo halna aan ku tarayn

Hilibna kiin isku keeney,

Sidee loola heshiin?

 

Cismaan Yuusuf Keenadiid

[Geeraar]