Ceebta Ku Dhacday Dowladda Khayre Xiddigaha 17 Jirada Soomaaliya Oo La Saaray Bajaaj!

Waxa- garoonka ku soo dhoweeyeen Gudoomiyaha Gobalka Benaadir Cabdiraxman Cumar Cismaan Eng: Yariisoow iyo R/wasaare Khayre kadibna inteey isku soo sawireen ka soo dhaqaajiyay taasoo noqotay hadal heynta ugu weyn.
 
Maamulka Gobalka Banaadir oo u Gudoomiyaha ka yahay Cabdiraxman Cumar Cismaan Yariisoow Eng: Yariisow ayaa loogu baahna in ugu yaraan basas soo qaado u diyaarshaan Xidigahaasi niyad jabka lagu riday inkasto tallaabo laga xumaado Maanta sameeyeen.
 
” Waxaa sidoo kale la xaqiiyay in xiddigaha markii ay baxayeen loo diiday in la siiyo baasaboor, lamana garanayo sababta keentay, dhawr jeer ayaan isku daynay balse Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa diiday inay nasiiso Baasabooro si ay xiddigahaan u matalaan dalka” ayuu yiri xubin ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta oo diiday in magaciisa loo adeegsado warbaahinta .
 
Xubintaan ayaa sidoo kale sheegay in markii ay soo dhawaatay bixintaan ay go’aansadeen inay u sameeyeen waraaqo midaas oo xiddigahaan ku keentay dhibaato xoog leh markii dalka Kenya lagu xayiray.
 
Ku dhawaad 2 saacadood ayaa lagu xayiray garoonka Diyaaraha ee Nairobi kadib markii la waydiiyey Baasabooro, waxayna saraakiisha garoonka sheegeen inaysan macquul aheyn inay aqbalaan Baasaboor la’aan weliba tiro intaan la eg.
 
” Xiddigaha iyadoo baasaboor wadan ayey ka dageyn dalka Kenya oo ay Transet ku ahaayeen, 2 saacadood ayaa la xayiray weliba si xun loola dhaqmay” ayuu yiri.
 
 
Xigasho Shaaciye.