Dhibaatada haraysay Soomaaliya markii la soo qaado waxaa madaxaaga ku soo dhacaya is haysiga fikirka qabyaalada

Dhibaatada haraysay Soomaaliya markii la soo qaado waxaa madaxaaga ku soo dhacaaya is haysiga fikirka qabyaalada, hase ahaatee arinku intaa waa ka qoto dheer yahay, waana sababta nus qarni looga gudbi la’ yahay dhibaatada.
Fikirada siyaasadeed waa waxa ka socda dunida oo dhan waxaana u dhaxeeya loolan mararka qaarkood sababa gacan ka hadal. Waa dhab in fikir siyaasadeed kastaaba doonayo inuu ahaado kan guulaysta oo looga dameeyo danaha siyaasadeed ee wax lagu hogaaminayo, hadaan tusaale kuu soo qaado anoon aadayn qarniyo horuu tagay loolankii fikirkii Nansiga ee Hitler ee la jabiyay isaga iyo xulufadiisii hadna weli waad arkaysaa in raadkiisii sii noolyahay lana rabo in dib loosoo nooleeyo, kuwii ka adkaadayna isha ku hayaan dabargoyna ku wadaan.

U soo noqo Somaaliya isku daygii ka soo gudubkii hogaanka beelaha 1900 kii waxaa unkamayay saldanooyin doonayay inay la jaan qaadaan hanaanka dawliga ee dunida ka jira waxaana ka mid ahaa saldanadii Boqor Cismaan ee bariga , Saldanadii Suldaan Ini Cali shire Sanaag , kacaankii daraawiishta ee sayid Maxamed, saldanadii Keenadiid ee Mudug oo mid kastaaba doonaysay inay noqoto awooda kaliya ee la hoostago, qaarkood waxaa dhexmarayey loolan adag iyo isu xulufaysi.

Kacaanka sayidku waxuu lahaa awood xoogan iyo fikir ku salaysan inuu gaalo la dagaalamayo taasaana u sahashay in dad kala duwan iyo xoogag taabacsan yeesho uuna kaga xoog bato labada saldano ee bariga iyo Sanaagba, awooda sayidka waxay ku qasabtay labadaa saldano inay isu xulufaystaan sidii loo hakin lahaa kacaanka sayidka, waxaana dhexmaray dagaalo lagu hoobtay oo ka tagay taariikh iyo xasuus ma hadho ah,sayidku waxuu kaloo duulaan ku hayay beelaha waqooyi oo ka biyo diidsanaa kacaanka sayidka isaguna ku tilmaamay inay gacansiinayaan gumaysigii Ingriiska taasoo keentay in loola macaamilo gaalo raac loona gaystay dhib aad u baaxad badnaa kuna qasbay inuu ingiriis ka dhigo kuwo laga ilaaliyo (protectorate) sayidka iyo daraawiish.

Kacaanka Daraawiishtu waxuu lahaa halhays loogu yeero hogaamiyaha Sayid Maxamed oo ahaa “AABE SAYIDII”, waxuu kaloo lahaa erey loo isticmaalo dadka la doonayo in laga takhaluso oo ahaa “WAA XUJOOBAY”. Kacaanka Draawishtu waxuu lahaa qayb u qaabilsan brobugandha oo isticmaala gabayo, weeraradu waxay hadh iyo habeen ku socdeen labada saldano ee bariga iyo Sanaag iyo beelaha waqooyi loomana aabe yeeli jirin, askari iyo rayad midkuu doonaba ha ahaadee waa la dooxi jiray, waxaana iska yaraa weerar lagu qaado Ingiriis. Kacaankaa daraawiishta waa la jabiyay waxaana loo gaystay khasaare baaxad leh oo ka tegey taariikh iyo mahadho xusuus reebtay.

Saldanada Mudug waxay kasoo xanaaqday tan bari waxayna soo degtay Mudug waxay ku guulaysatay inay ku faafto Mudug saldanadaan ayaa waxaa ka muuqday inay lahayd hanaan maamul waxay isku dayday inay kasbato dadyow kala duwan waxaase ka hor yimid dad ka mida deegaanka, waxaana ka dhashay dagaalo khasaare keenay, waxaase mardambe laysku dayay in la helo isdhexgal dadyoowga deegaanka hase yeeshee waa la jabiyey iyadoo laga dhaxlay taariikh iyo mahadho aan dhamaan.

Gumaysigii waxaa jaaniska siiyay is riix riixi siyaasada soomaalida waxayna ka faa’iidaysteen inay la wareegaan wadanka oo idil,markaa ayaa waxaa unkamay SYL oo ahaa dhalin doonayay in la helo hanaan siyaasadeed oo wadanka lagu hago, waxay aad uga foojignayeen saamaynta siyaasadihii hore iyo qabyaalada, waxayna arkayeen haddii saamaynta siyaasadihii hore soo baxaan in isjiidjiid hor leh la gelay, waxayna muujinayee in la helo is jecayl iyo isu tanaasul. Waxaana dhismay urur Soomaaliyeed oo mideeya Dhamaan dadka Soomaaliyeed yeeshayna awood uu kula xisaabtamo gumaystayaashii illaa laga xoreeyey dhulkii iyo dadkii Soomaaliyee Labadii qaybood ee Ingiriis iyoTalyaani haysteen.

waxaa muuqatay iftiin iyo nolol , waxaa muuqday isu riyaaq iyo rax raxlayn ku salaysan Soomaalinimo, waxaad ka dheehan kartaa shucuubta berigaa inuu waa cusub u beryey,laakiin waxaa qarsoonaa inay jireen kala fikir siyaasadeed iyo ka fiirsasho la’aan qaabkii loo midayn lahaa fikirada isdiidanaa. Si looga gudbo caqabadahaa waxaa la doorbiday in la qabyaaladeeyo fikir siyaasadeedkii dhex oolaa Soomaalida waana markii labaad ee lagu laabto fikir beeleedkii laga soo baxi rabay 1900, tusaale walaalihii waqooyi ee ingiriiska ka soo xoroobay ee wada socday waxay u kala jabeen labo, ra’yigii SYL ee koonfurta waxaa loo bedelay reero. Qayb ka mida kuwii waqooyi waxaa u muuqatay inay helaan xulufo cusub oo ay la midoobaan waxaana baxay eraygii “IRIR” soow maahayn jeegaan Hargeysa iyo Muqdisho iyagana soow lagu ma xujayn haddii midkiin xilkore helo kan kale qatan, qaybtaan kalee IRIR ka ahayn markii jagadii labaad soo baxday soow looma tanaasulin xubin saldanadii Mudug ah soow Meesha kama muuqan fikirkii siyaasadihii hore, kuwii la dhacsanaa kcaankii sayidku soow may dareemin inay cidla taagan yihiin.

Dhinaca kale waxaa isu yimi laba gobo loo ka mid ahaa shanti soomaaliyeed soow ma ahayn in awood qabsigu sidaa wax lagu saleeyo waa maxay waxa qasmay ee midba meel ugu guuray waxaa muuqday xoogag ka biyo diidsan arimuhu siday u socdaan oo waqooyi iyo koonfurba leh,dawladii rayadka ahaydna waxaa yeelatay mucaarado xoogan iyo ku qanacla’aan, waxaa qaarkood u arkayeen inay tahay xulufadii haraagii saldanooyinkii Bari,Sanaag iyo Mudug, waxaa kaloo hoose ordaayey fikir beeleedkii iyo qabyaalad, hadaba si iyaguna taa uga gudbaan ayaa waxaa la doorbiday in la soo dhaweeye walaalaha hargeysa , waxaana markaa cadaatay in haraagii kacaankii Sayidku faquuqmeen. Waxaana markaa kuu muuqanaaya in lagu noqday fikir siyaasadeedkii oo la doonayo in karkaarada la isweydaariyo tusaale dilkii madaxweynahii iyo is hortaagii loo diiday inuu xilka madaxweyne noqdo gudoomiyihii barlamaanku waxay ku tusayaan Meesha arinku marayey.

Curashadii kacaankii Maxamed siyaad wax kale ma ahayn ee waa haraadigii kacaankii sayidka ee cidla jooga siyaasadeed laga dhigay, mudana dhursugayey, sidii lagu yiqiin hogaankoodi horaba waxay isu muujiyeen inay yihiin kuwo cadowga wadanka ka badbaadinaya, waxay aad u isticmaaleen mediyaha iyagoo borobugaandho ku furaya xoogagii siyaasadeed ee ka horeeyey, waxaa durba la isticmaalay halhayskii hogaamiyaha loogu yeeri jiray ee ahaa “AABE SAYIDII “ loona bedelay” AABE SIYAAD”, waxaa ku la macna ah loo bedelay ereygii ahaa waa “ XUJOOBAY” “ SAMADIIDOOW DABIN BAA KUU DHIGAN LAGUGU DILI DOONO”, waxaa la isticmaalay ereyada gaalo raac oo loo bedelay dadka gumaysiga doodnka ah iwm. Waxaa la beegsaday dhammaan meelihii kacaankii sayidku beegsaday, waxaa la weyneyey dhammaan raadadkii iyo taariikhdii kacaanka sayidka waxaana wax kama jiraan laga dhigay wax alla waxii taariikh lahaayeen saldanooyinkii iyo beelihii waqooyi ee ka soo horjeeday, waxaa la sameeyey taariikh been abuurasho ah oo lagu dhaawacayo saldanooyinkaa iyo qabaa’iladaa .

La soco qaybaha kale
Abdirizak Ali
Minneapolis , MN