Gabar ka tirsaneyd WHO oo lagu dilay Muqdisho

Xubin ka tirsan shaqaalaha hay’adda WHO ee Koonfurta Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan hay’adda WHO ayaa VOA u xaqiijiyey dilka xubin ka tirsan shaqaalaha hay’adda oo ah qof dumar ah.

Gabadha la dilay ayaa lagu magacaabaa Maryan Cabdullaahi, waxaana la sheegay inay dhinaca saadka u qaabilsanayd adeegyada tallaalka dabaysha ee gobollada Koonfureed.

Gabdhan ayaa la sheegay in fadhigeeda dhinaca shaqada uu ahaa magaalada Baydhaba, balse ay xilliga la dilayey ku sugnayd magaalada Muqdisho.