Qaramada Midoobey Oo U hanbalyaysay Gudoomiyaha cusub Ee Baarlamaanka Fadaraalka

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey uqaabilsan soomaaliya Ambasdr Micheal Keating ayaa hambalyo waxa uu udiray afhayeenka cusub ee Golaha shacabka, kaa oo shalay Muqdisho lagu doortay.

Ambassador Keating ayaa sidoo kale ku amaanay xildhibaanada Golaha shacabka qaabka daahfurnaanta leh ee ku guteen waajibkooda,waxana uu Micheal Keating mahadnaq ayuu usoo jeediyay gudoomiyihii hore ee Barlaamanka Pro Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kaa oo soo hogaaminayay Barlamaankii 9-aad iyo kan tobnaad ee xiligan shaqeeya.

Ambasador Keating ayaa kula darmaamay dhinacyada hardanka siyaasadeed ee Soomaliya uu ka dhaxeeyo in ey had iyo jeer ilaaliyaan sareenta sharciga, taana ey muhiim utahay baraaraha iyo horu-usocdka umadda Soomaaliyeed.