Madaxweyne Gaas Oo xilkii ka qaaday inta badan masuuliyiintii Wasaarada Klauumaysiga

Xeer Madaxweyne Lr. 54 May 2, 2018, kuna saabsan shaqo ka eryid.

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Baarista ka soo baxday guddiga baarista iyo soo bandhigista xogta musuqmaasuq iyo maamul xumo ee lagu magacaabay digreetada Madaxweyne MW/DPS/247/04/04/2018

Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta Guddiga

1. Waxaa shaqadii laga eryey Madaxda iyo shaqaalaha hoos ku qoran:-

1. Maxamuud Maxamed Cali (gabax)
Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda

2. Cali Xirsi Faarax Maxamuud
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

3. Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf Siciid Fay Agaasimaha waaxda maamulka ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

4. Maxamed Siciid Cartan (Balcad)
Agaasimaha waaxda Kalluumaysiga ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

5. Cabdicasiis Axmed Jaamac
Xiriiriyaha Gobolada ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda

6. Cabdi Salaad Maxamuud (Radoofe)
Fidiye Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

7. Casayr Yuusuf Maxamuud
Fidiye Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynu, wuuna saxeexay madaxweynuhu

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARAFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND