Amniga Xamar Oo faraha kasii baxaya iyo dilalka oo sii noqonaya tiro beel

Faah faahino dheeraad ah ayaa kas oo baxaysa dil Caawa kooxo hubeysan ay degmada Boondheere ee Magaalada muqdisho ay ugu geysteen Nin la sheegay in uu ka mid ahaa Ciidamada Dowladda Xamar..
 
Dilka ayaa waxa uu ka dhacay kazoo horjeedka Isbitaalka Kulmiye ee degmada Boondheere.
 
Guddoomiyaha degmada Boondheere Seynab Yuusuf Wehliye ayaa xaqiijisay dilka Ninkaas oo ka tirsanaa Saldhigga Galbeed e degmada Dharkeenley.
 
Amniga Magaalada Muqdisho ayaa ah mid aan laysku halayn karin ,maalin ka hor waxaa lagu afduubtay Gabar kalkaalisa oo u dhalatay dalka Jarmalka ,sidoo kale waxaa iyadana lagu dilay Gabar ka shaqaynaysay mid kamid ah hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlagala Maamulka Koonfur-galbeed oo Somali ahayd.