Video:-Dowlada Jubaland Oo amaro kasoo saartay lahaanshaha dhulka banaan

Dowlada jubaland ayaa si rasmi ah ula wareegtay guud ahaan dhulka banaan ee Magaalada kismaayo.

Dowladu waxay soo saartay amar qeexaya habka kala iibsiga dhulka iyo lahaanshaha dhuleed.

Waxay amar cad ku bixisay cida iibsan karta ama laga iibin karo dhul in ay tahay cida haysata sharci cadaynaya lahaansho dhuleed oo ka horeeyay burburkii dowlada dhexe ama si kale hadii loo yiraahdo qofkii haysta sabarloogo ay bixisay dowladii hore oo ka horaysa 1991.

Qorshahan ayay dowlada Jubaland uga gol leedahay xakamaynta dhibaatooyinka xooga leh ee ka yimaada muranka dhulka,kaasoo mararka qaar sababa gacan ka hadal keena dhimasho iyo dhaawac. nafeed.

Cabasho aad uxoog badan ayaa ka taagan lahaanshaha dhulka ee Magaalada kismaayo,iyadoo si gaar ah loo eedaynayo maleeshiyaadka Raaskabooniyiinta ee hada loogu yeero Daraawiishta Jubaland.

Talaabadan dowlada Jubaland ay kula wareegayso dhulka banaan,isla markaana ay kasoo saartay go’aamada ayay shacabka Kismaayo u arkaan mid si dadban u garabgalaya kooxaha Raaskabooniyiinta eehogaanka maamulka haya xiligan,kuwaasoo si qaawan boob ku habsasho ah ugu haya dhulka gaarka loo leeyahay ee magaalada kismaayo.

Sidoo kale waxay shacabku u arkaan in ay dulmi iyo duudsiin hantiyeeed ku tahay Dadkii 1991 ka bacdi ku yeeshay kismaayo dhulka.oo sida sharciga ah ku hantiyay,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka