Video:-Mid ka mid ah shaqaalihii W.Kaluumaysiga Oo banaanka soo dhigay khiyaamada dhacday

Madaxweyne Gaas ayaa maalmo ka hor xilkii ka qaaday Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Kaluumaysiga,Agaasimihii guud iyo 5-shaqaale oo ka tirsan isla Wasaarada.
 
Madaxweynaha ayaa xilka qaadista masuuliyintan u cuskaday khiyaamo iyo lunsasho hanti Umadeed oo ay ku kaceen.
 
Sababta xilka looga qaaday Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Kaluumaysiga,Agaasimihii guud iyo 5-shaqaale kale oo kamid ah Wasaaradaas.waxaa ka hadlay oo maanta shir jaraa’id oo uu qabtay banaanka kusoo dhigay guud ahaan sidii ay wax u dhaceen mid kamid ah shaqaalaha Wasaarada.
 
Ninkan oo Lagu Magacabo Cabdi Salaad Maxamuud, wuxuu Fidiye ka ahaa Degmooyinka Qandala iyo Xunbays mudo labo bilood ah oo uu xirnaa kadib ayaa damiin lagu sii daayay waxuuna wada shaqayn la sameeyay gudi dowladu usaartay baarista kiiskaas.
 
Cabdi Salaad waxuu banaanka soo dhigay dhamaan waxii dhacay iyo khiyaamadii ay ku kaceen masuuliyiintaas xilka uu ka qaaday Madaxweyne Gaas dhawr maalmood ka hor,hoos ka daawomuuqaalka.
 
 
 
Halkan ka daawo muuqaalka

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka