Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Galabta Soo Kormeeray Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta oo ay taariikhdu tahay 7 May 2018 waxaa uu soo kormeeray Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Airpot ee magaalada Garoowe, kaas oo nashqadaytiisa iyo qurxintiisu marayso heer gebogebo ah lana filaayo in maalmaha fooda inagu soo haysa ay soo gebageboowdo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeerkiisa uu Galabta ku tegey garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Airpot ayaa waxaa ku wehelinaayey, Wasiiro, xildhibaano, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda  Puntland iyo masuuliyiin kale.

Dhinaca kale garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee magaalada Garoowe ayaa waxaa dhismihiisa gacanta ku haya shirkad laga leeyahay waddanka Turkiga, shirkadaas oo garoonka u dhistay qaab farshaxankiisu aad u heersareeyo, welibana si weyn looga baaraan degay qaabka dhismaha dhabaha diyaaraduhu ka haadaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mudadii uu ku guda jiray kormeerkiisa ayaa waxaa uu kormeer ku sameeyey dhammaan qaybaha uu ka kooban yahay garoonku, isla’marahaantaana waxaa uu socod dheer ku maray dhabaha diyaaradaha isagoo indha indhaynayey qaabka loo dhisay dhismaha wadada iyo gebi’ahaanba dhismayaasha Garoonka uu ka kooban yahay.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Mohamed Cali Gaas ayaa waxaa uu kormeerkiisii Garoonka uu kusoo gebagebeeyey qaybta dejinta iyo rarka xamuulka diyaaradaha, halkaas oo lagu soo bandhigay agabka socodsiinta shaqada oo ahaa mid casriya oo loogu talagalay in si dhamaystiran loogu hawl galo.

=DHAMMAAD=