Dagaal xoog leh oo dhexmaray labo maleeshiyo oo kawada tirsan ciidamada dowlada Ee Muqdisho

Dagaalkaan ayaa waxa uu ka dhacay degmada Wadajir gaar ahaan agagaarka xerada Tababarka (Dhagabadan) Ex Jaziira,waxana la sheegay in uu u dhaxeeyey maleeshiyo ka wada tirsan Ciidamad dowladda ee mqudisho.kuwaas oo u abaabulan hab beeleed.
 
Hal ruux ayaa la xaqiijiyey in dagaalkaas uu ku geeriyooday halka 2 kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo dhammaantood ah ciidamadii dagaalamay.
 
Wararka aan ka helayno Muqdisho,ayaa sheegaya in ciidamadaas oo la sheego in ay ku mgacaaban yihiin Milateriga Soomaaliya ay iskuheystaan Dhul ku yaalla halka loo yaqaano xeradii hore ee rajo oo ku dhow Xerada Tababarka Jaziira
 
Ilaa iyo hada mauuliyiinta laamaha amniga mqudisho kama aysan hadlin dagaalkan.