Maraykanka oo qorshaynaya in uu si rasmi ah ugu rarao safaaradiisa Magaalada Qudus

Warbixin laga soo saaray aqalka cad ee Mareykanka ayaa lagu shaaciyay xubnaha dowladda Mareykanka uga qeybgelaya furitaanka Safaaraddiisa Quddus lagana wareejinayo Tel Aviv.
 
Munaasibadda oo dhaceysa 14ka Bishan May kama qeybgelayo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump,waxaana taagan fadeexad la xiriirta sida Mareykanka ugu dhiirranayo go’aanka qaldan.
 
Dadka ka socda aqalka cad ee ka qeybgelaya furtaanka waxaa ka mid ah Gabadha Trump, Ivanka, iyo wiilka uu soddogga u yahay ee Jared Kushner,waxaa kale oo ka qeybgelaya Wasiirka Maaliyadda Mareykanka,Steven Mnuchin, Wakiilka Trump ee Bariga dhexe Jason Greenblatt iyo Danjiraha Mareykanka ee Israel David Friedman.
 
Arrintan haddii ay sida qorshuhu yahay u dhacdo waxaa ay noqoneysaa markii ugu horreysay oo ay Israel jebiso Siyaasadda Mareykanka ee Quddus oo ah Magaalo ay Muslimiinta leeyihiin,waxaana Madaxdii ka horreysay Trump ka gaabsan jireen doonitaanka Israel ee arrintan marka laga reebo Trump.
 
Bishii December ayuu Caasimadda Israel u aqoonsaday Quddus,waxaa uu intaas ku daray in safaaraddiisa Tel aviv loo wareejinayo Magaalada Quddus,iyada oo shalayba la suray Boorarka tilaamaya halka laga dhigayo Safaaradda oo ku taalla Koofurta Magaalada Quddus.