Video:-Madaxweyne Axmed Madoobe”Imaaraad iyo Qadar anaga Imaaraad baa noo muhiimsan”

Madaxweyne Axmed Madoobe waxa uu tilmaamay in Imaaraadka Carabta ay tahay meeshii ay taallay hantida umadda Soomaaliyeed iyo xawaaladaha.

“Xagee tahay inaan u xillano shey sax ah ma ahan, dhex dhexaadnimadii waa laga baxay, dowladdii Fadaraalka Qatar ayay jifo la noqotay, arrintaas dariiq sax ah haku soo noqoto, maanta Imaaraad ayaa wax nooga tarsan”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Imaaraad Qadar anaga Imaaraad baa noo wanaagsan oo wax noogu yaal”

Sidoo kale waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in shaqada dowladda ay noqoto baraha bulshada iyo Facebook, isla markaana nidaamka iyo maamulka uu ka baxo dhinacaas,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka