Waa maxay sababta ay dowladda Federaalka ah u hareer martay Jubaland?

Waa maxay sababta ay dowladda Federaalka ah u hareer martay maamulka #Jubaland, oo ay wafdi uu hogaaminayo Raysul wasaare K/xigeenka Soomaaliya ugu dirtay gobolka Gedo oo qudha, ayada oo ay J/hoose si la mid ah ku go’doonsanyihiin qoysas kumaan ah iyo deegaano kala duwan, waa maxay ahmiyadda lagu kala xushay?, maadaama labaduba ka tirsanyihiin #Jubbaland, maamulkana u saaray gudi-gurmad ah oo aheyd in lagala shaqeeyo arimaha gurmadka degaanka.

Ma gobolada #Jubaland ayaa kala xiga dowladda?, mise waa siyaasad lala damacsanyahay deegaanada Jubaland in lagu kala dhantaalo shacabkeeda, si loo abuuro dhinac ay dowladdu u marto dhinac kale?.
( lakiin madaxweyne axmed wuxuu sheegay in aanay ka xumayn tegidda degaanadas ee ay ku haboontahay in aqalka laga soo galo illinka, hadii aanay ujeedadu weecsanayn).

2- Maxay dowladda Federaalka ah muddo sanad ah uga bixi la’dahay political crises iyo constitional crisis?, xasrado siyaasadeed iyo kuwo dastuuri ah. Marka laga reebo inay Xil ka qaaday rag aanay madaxda sare isku fikir noqon, waa maxay natiijada Wanaagsan ee ah inay wax dhistay ama taabo gelisay oo laga hayaa?.

3- Hadii dhaliisha u badan ee maamul gobeedyada lagu haysto ay tahay Emirate, hadaba Qatar maka madax-banaan tahay dowladda dhexe siyaasad ahaan?. Hadii uu socon waayay go’aankii dhexdhexaadka ahaa ee laga gaaray khilaafkii carabta, maxaa eeda saaray hal-dhinac oo Kali ah?.

4- Maxaa u ekeysiiyay Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo mid awoodeeda saartay #Proboganda ama wararka lala cararo Facebook, taasoo ah dhaliisha ugu badan ee loo jeediyo, waliba taa badelkeeda ay lumiso System-kii dowladnimo ee curdanka ahaa?.

Hadii ay dhab-tahay in dhalinyaro lagu lacag-siiyay howsha Facebook, Sidee dhalinteenu u rumaysan doontaa Nidaamka dowladnimo mustaqbalka, sow uma arki doonaan wadaniyaddu inay iib ama shilimaad tahay?.

Weydiimahan iyo kuwa badan oo la mid ah, waxay ku dhasheen badi dadka dhagaystay qudbadda Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam “Madoobe”, oo maanta saxaafadda kula hadlay #Kismaayo isaga oo muujinaya xidhiidhka DF iyo DG JL, waxaana laga sawiran karaa hadaladiisa mid ka jawaabaya duulaan Siyaasadeed oo maamulkiisa uga yimid dhanka DF.

FG: qoraalkan waa faalanqeyn qudbadda Madaxweyne Axmed Madoobe.

MAHADSANIDIIN
Mahir Jama Adam