Maxaa kala socotaa qorshaha dhow Ee kooxda Nabad iyo Nolol ay ka leedahay Dowlad Goboleedyada?

Dowladdaan waxaa daaha gadaalkiisa ka riixaaya oo wax u yeeriya Fahad Xaaji Yaasiin oo ah nin lagu tiriyo inuu xariidh qoto dheer la leeyahay urur-diimeedyada Soomaaliya, sidoo kale wuxuu kasoo horjeedaa oo diidan yahay Nidaamka Federaalka; hadaba Waa Maxay Yoolka ay Dowladda Farmaajo iyo Khayre hogaaminayaan ay ka leedahay Maamul Goboleedyada Goboleedyada.

Ila lagu kalsoon yahay oo u dhow Villa Soomaaliya iyo Fahad Yaasiin ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ah ay u dejisay Dowlad Goboleedyada qorshayaal kala duwan oo kala ah:

  1. In Dowladda Federaalka ah ay Dowlad Goboleedyada u dhiibto Madax ay isku koox yihiin oo ka amar qaata gaar ahaan Maamulada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka jira waxayna dejiyeen qorshahaan hoose ee kala ah:
  2. Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf waxaa lagu bedelayaa Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska midkaasoo ka mid ah kooxda Nabad iyo Nolol.
  3. Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare waxaa lagu bedelayaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS ahna Xildhibaan ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Hoose Mudane Cabdullaahi Goodax Barre
  4. Madaxweyne Shariif Xassan Shiikh Aadan waxaa lagu bedelayaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Nabad iyo Nolol Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed
  5. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) waxaa lagu bedelayaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi hadana ah Mucaarad laga maalgeliyo Villa Soomaaliya oo ka soo horjeeda Maamulka Jubaland
  6. Maadaama ay Puntland xoogaa sidaas ka yara adag tahay oo ay ka jidhto Nidaam adag oo muddo soo jiray lehne xuduudo, dekedo iyo Airports madax bannaan waxay rabaan inay Doorashada soo socota Taageeraan Musharax Jilicsan Siyaasina ahayn oo ay wax walba ka fushan karaan waxaana loo badinayaa inay noqonayaa 3 Musharax midkoo Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta, Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) iyo Ganacsade Maxamuud Khaliif Xasan (Eng. Jebiye) 3-daan nin bay u arkaan inay ka fushan karaan danaha ay ka leeyihiin Puntland, kalsooni badana kumay qabaan inay hawshoodu uga soota geli kadhto maadaama dadka Puntland ay yihiiin dad wacyiga fahamsan kuna tiirsan Isimada iyo  waxgaradka kale ee Deegaanadaas inta badana u dhegtaaga ogna debinada Dowladda Federaalka u qoolayso  had iyo jeerna ku baraarugsan.
  7. Markay ku guulaystaan inay intaan Sameeyaan waxay rabaan in Madaxdaas kor lagu soo xusay ay noqdaan kuwo Xamar laga xukumo kuna shaqeeya Danaha iyo go’aamada Madaxda Xamar ee aan ku shaqayn Danaha iyo Masiirka Ummda dooratay.
  8. Ugu damayn waxay doonayaan in ay nidaamkaan Federaalka kaga takhalusaan sidaasna dalku ku noqdo Nidaamka Dowladda Dhexe ee dadban (indirect Centralized State).

Hadaba maxaa la gudboon Madaxda Dowlad Goboleedyada mise sidee Madaxdii Carbeed ee Saadaam, Qadaafi, Cali Cabdalle Saalax, Xusni Mubarak, Mursi, Bishaar Al-Asad markii Biyuhu qaataan bay ku war helayaan? Dhammaan hawlahaan waxaa lagu kala xaqiijin kadhayaa inay dhacayaan iyo in kale haddii Madaxda Dowlad Goboleedyadu dib u soo nooleeyaan Madashoodii ahayd “Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada ama  CIC”.

 Xogtaani waa xog xaqiiqo ah lagana soo aruriyay Asxaab iyo Siyaasiyiin aad ugu dhow Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisula Wasaaraha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya

W/Q: Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaade

Dareenwadaag2020@gmail.com