Maxaa looga reebay Wasiir Cawad safarkii Madaxweyne Farmaajo?

Waxaa saacadihii ugu danbeeyay laga reebay safarkii Madaxweyne Farmaajo ee Qatar Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada fadaraalka Somaliya Axmed Ciiise Cawad.
 
Sababta Wasiirka Arrimaha dibedda looga reebay safarka Madaxweynaha ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan,
 
Balse ilo lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamaya in sababta looga soo tagay Wasiirka Arimaha dibada Dowlada fadaraalka Somaliya ay tahay hal ujeedo ,taasoo ah in Wasiirka qorshaynta dowlada Fadaraalka Jamaal oo booskiisa lagu soo badalay in laga soo gado dalka Qatar si dhaqaale loogu soo helo qorshaha ay wataan kooxda Nabad iyo Nolol ee Fahad Yaasiin horjoogaha ka yahay, qorshahaas oo ah in loo sharaxo doorashada soo socota ee madaxtooyada Puntland Wasiir Jamaal.
 
Kooxda Nabad iyo Nolol ayaa wada abaabul xoog leh oo ay ugu diyaar garoobayaan sidii ay doorashada Puntalnd ugu yeelan lahaayeen saamayn gacantana ugu dhigi lahaayeen Madaxtooyada Puntland ee muhiimka ka dhex ah siyaasada Somaliya.
 
Kooxda Nabad iyo Nolol Meesha ka dhaqaaqi waayeen oo ay usocdaan ayaa ah Puntland,taasoo ku noqotay darbi adag oo hor taagan danahooda guracan..
Wasiir Jamaal ayaa ah muwaadin reer Puntland ah kana soo jeeda Gobolka sanaag ilaa iyo hadaan muujiyay dagaan,balse waxaa saamayn xoog leh ku yeeshay kooxda Nabad iyo Nolol oo uu gacanta ugalay.
 Dowlada Puntland ayaa arinkan ku baraarugsan si gaar ahna ula socoto sida ay noo xaqiijiyeen ilo ku dhow Madaxtooyada Puntland.