Dhagayso:-Afhayeenka Madaxtooyada Puntland oo faahfaahiyay dagaalka Tukaraq

Afhayeenka oo la hadley VOA saacaddu markey ahayd 15:00 xiliga Soomaaliyasida uu sheegay weriyaha waraystey ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay gaareen banaanka Tukaraq oo hadda xabaddu magaalada ka socoto goordhawna ay sii dhaafi doonaan.

Cabdullaahi Maxamed Jaamac ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay gacanta ku dhigeen Beebayaal iyo gawaari kale oo uu sheegay in ay wateen ciidanka Hargeysa, Saxaafadda ayaan ku casumi doonaa mar dhow ayuu yiri Tukaraq.

Afhayeenka Puntland ayaa sheegay in ay qabteen maxaabiis dhalinyaro Soomaaliyeed oo la soo khalday sida uu hadalka u dhigey, qaar dhaawac yihiin wuxuuna sheegay in ay daaweynayaan dhaawacyada ay qabteen.

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka Afhayeenka Madaxtooyada