Akhriso:-Shirka Baydhabo Oo laga soo saaray Warmurtiyeed

Golaha waxay walaac ka muujiyeen dagaalka ka socda Tukaraq oo ay sheegeen in Ciidamada Somaliland weerar ku soo qaadeen, isla markaana ah ka mid ah deegaanada Puntland, wuxuu goluhu ku baaqay in si degdeg loo joojiyo.

Sidoo kale Madaxda dowlad goboleedyada waxay dowladda federaalka ku dhaliileen fulin la’aanta Qorshihii Amniga, sidoo kale aan wali la dhaqan qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee dhacay 10-kii bishii February ee ku saabsanaa dhismaha Ciidamada Booliska Daraawiishta dowlad goboleedyada.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa waxay walaac ka muujiyeen xiriirka sii xumaanaya ee dowladda Federaalka, Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga, waxayna tilmaameen in loo arko in dowladda dhinac la safatay khilaafka dalalka Khaliijka.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka akhriso war murtiyeedka:-