Dhagayso:-Madaxweyne Gaas”Waa la iska difaacayaa wuxuushta caadaystay daadinta dhiigga shacabka Somaliyed”

Madaxweynaha Dowlada Puntland,ayaa si kulul uga hadlay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamadda Puntland iyo kuwa somaliland isago sheegay in ciidamada somaliland cashar loo dhigay isla markaana la iska difaacay.
 
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in somaliland gardaro ay ku socoto,isla markaana ay somaalinimo diiden balse la iska dhicin doono oo ciidamadda Puntland aysan u dulqaadan doonin garadarada qaawan ee somaliland waddo.
 
Shacabka Puntland ayuu ugu baaqay in ay sharaftooda, dadnimadooda iyo dalkoodaba difaacdan, isaga oo sheegay in shacabka looga baahanyahay in ay iska difaacan cadowga ku soo duulay dhulkooda.
 
Madaxweyne Gaas ayaa yiri, “waa la iska difaacayaa wuxuushta caadaystay daadinta dhiigga shacabka Somaliyed”.,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka