K/Waqooyi oo si lama filaan ah u hakisay wadahadalladii ay kula jirtay Koonfurta

Kuuriyada Waqooyi ayaa hakisay wadahadalladii heerka sare ahaa ee ay kula jirtay Kuuriyada Koonfureed sababo ay ku sheegtay inay rumaysan tahay in dhoolatusyada milateri ee ay Koonfurta iyo Mareykanku ka wadaan xadka ay yihiin kuwo dagaal loogu diyaar garoobayo.
 
Warbaahinta ay dowladda maamusho oo warkaasi baahisay ayaa sidoo kale uga digtay Mareykanka in shirkii la qorsheeyay inuu dhexmaro hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong-un iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sidoo kale khatar ku jiro.
 
Labada Kuuriya ayaa la filayay in maanta ay kulan ku yeeshaan soohdinta kala qeybisa si ay uga xaajoodaan dib u billaabidda isu keenidda qoysaska ku kala lumay dagaalkii dhex maray labadaasi dal, kulankaasi oo ay soo jeedisay xukuumadda Pyongyang.
 
Dhoolatuska ay ka cabaneyso Kuuriyada Waqooyi ee ay wadajirka u wadaan Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ah mid loogu magac daray Max Thunder kaasoo bilowday Jimcihii, waxaana ka qeyb qaadanaya boqol diyaaradaha dagaalka ah oo ay ku jiraan kuwa duqeynta culus geysta ee B52 iyo nooca F15K.
 
Kuuriyada Waqooyi ayaa ka carootay dhoolatusyada ay sameeyaan labadaasi ciidan, balse hogaamiye Kim Jong-un ayaa dhawaan u sheegay mas’uuliyinta Seoul inuu fahansan yahay in aan la joojin doonin.
 
Wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka oo booqanaya Kuuriyada Waqooyi Heather Nauert oo u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in dalkeeda aanu hayn xog tilmaamaysa in kulanka Trump iyo Kim Jong-Un uu qarka u saaran yahay inuu baaqdo.
 
Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi, Kim Gye-kwan, ayaa sheegay inaan lagu qasbi karin inay dhiggaan hubkooda nukliyeerka.
 
Wuxuu su’aal geliyay hadal uu sheegay la latilayaha Trump ee ammaanka Qaranka, John Bolton, kaas oo sheegay in hannaankii loo maray hub ka dhiggidda Libya loo adeegsan doono Kuuriyada Waqooyi, iyo in dalkaasi barwaaqo loo horseedi doono marka uu burburiyo hubkiisa nukliyeerka.
 
Wasiirka ayaa sheegay in hadalkiisu uu yahay mid khiyaano wata, oo ay og yihiin in Libya iyo Ciraaqba la burburiyay markii la ogaaday in aanay haysan hubkaasi wax gumaada.
 
Xiisaddan cusub ayaa muujinaysa inuu kala duwan yahay fahanka ay Washington iyo Pyongyang ka qabaan burburinta hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.
Xigasho BBC