Kulankii Trump iyo Kim Jong Un oo uu shaki soo galay

Hanjabaadda deg degga ah ee Korea-da Waqooyi ay ku sheegtay inay ka baxeyso wada-hadallo la qorsheeyey inay Mareykanka la yeelato, ayaa shaki geliyey suurto-galnimada heshiis hubka Nuclear-ka looga dhigayo dalkaas.

Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi, Kim Jong Un ayaa ogolaaday inuu madaxweyne Trump kula kulmay dalk Singapore, 12-ka June.

Kulankaas ayaa qorshuhu yahay in looga hadlo heshiis lagu soo afjarayo barnaamijka Nuclear-ka Korea-da Waqooyi, ayada oo loo beddelanayo dammaanad qaad amni iyo in laga qaado cunaqabateynta caalamiga ah.

Hase yeeshee, Arbacadii ayaa ku xigeenka wasiirka arrimaha dibedda Korea-da Waqooyi Kim Kye Kwan waxa uu soo saaray warsaxaafadeed uu ku cambaareeyey “Hadallada aan laga fiirsan” ee la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka John Bolton, uu ku dalbaday in Pyongyang ay gebi ahaanba burbursio barnaamijkeeda Nuclear-ka.

Korea-da Waqooyi ayaa hadalladaas dartood iyo leyli milatari oo ay sameeyeen Mareykanka iyo Korea-da Koonfureed ku hanjabtay inay hakineyso wada-hadallada.

 

 

Xigasho VOA.