QM oo waqtiga u kordhiyay Howlgalka AMISOM

Go’aan shalay kasoo baxay Golaha Amaanka ee QM ayaa lagu kordhiyay Waqtiga Howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya AMISOM.

Golaha oo shalay muddo kordhinta sameeyay ayaa muddada AMISOM gaarsiiyay ilaa 31-ka Julaay ee Sanadkaan.

Dhanka kale War Kasoo baxay Golaha Amaanka ayaa lagu sheegay in warbixinno ka hadlaya Ciidamada AMISOM Golaha la horkeeni dooni Bisha June 15-keeda, Warbixinadaasna Go’aan lagu gaari doono.

Ciidamada Amisom ayaa hadda Tiradooda lagu sheegaa 20,600 kuwaa oo ka socda dhowr Dal oo ku yaalla Qaaraddan Afrika gaar ahaan dhankeeda Bari.

AMISOM ayaa waxaa lagu wadaa in Gabi ahanba ay dalka isaga baxdo Sanadka 2020, waxa uuna bilaawday qorsha bixinta Ciidamadaa Sanadkii hore ee 2017-kii oo Soomaaliya laga Saaray 1,000 Askari oo katirsan Ciidamadda.

Howgalkan ayaa Soomaaliya ka bilaawday Sanadkii 2007-dii, Dadka amaanka falanqeeya ayaa ku dhaliila Howlgalka in uusan gaarin yoolkii loo keenay AMISOM.