Shirkii Madaxda Somalida Ee Baydhabo Oo maanta la filayo in lasoo gabagabeeyo

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo,ayaa sheegaya in dib udhac uu shalay ku yimid war-murtiyeedkii kasoo bixi lahaa shirka Madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka uga socdayl Magaalada Baydhaba.
 
Qorshaha ayaa shalay ahaa in lasoo gunaanado guud ahaan shirka, isla markaana laga soo saaro Warmurtiyeed,balse warar ay heshay Idil News ayaa sheegaya in baaqashada warmurtiyeedka ay sabab u ahayd codsi ka yimdi dowlada fadaraalka ah.
 
Madaxda dowladaha xubnha aka h dowlada fadaraalka ah,ayaa Dowladda Federaalka ka aqbalay codsigeeda waxaana maanta kusoo aadan Baydhabo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan si uu kulamo gaar-gaar ah uu la qaato Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.
 
Dowlada Fadaraalka ah aya walaac xoog leh ka qabta warmurtiyedka shirka kasoo bixi doona waxayna isku dayaysaa in ay saamayn ku yeelato qodobada lagu soo qori doono,kuwaasoo la filayo in ay noqon doonaan kuwo lagu canaanayo ama lagu dhaliili doono Dowlada Fadaraalka ah.
 
Shirka Baydhabo ee Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah,ayaa ka furmay Baydhabo maalinkii doraad ahaa waxayna ay ugu wada hadleen arimo muhiim ah oo ay ugu waa weynaayeen…dib u eegsita Dastuurka Fadaraalka, Khilaafka kala dhaxeeya Dowladda federaalka, Amaanka iyo Fatahaadaha.
 
Shirka ayaa la filaya ain uu sial maanta soo gabagaboobo lagana soo saaro warmurtiyeed rasmi ah.