Qaybtii 1aad ee Taariikh Nololeedkii Asxaabtii Nabiga csw. W/Q: C/naasir Bootaan

Qaybtii 1aad ee Taariikh Nololeedkii Asxaabtii Nabiga csw. W/Q: C/naasir Bootaan

(1)Abuu-Bakar Al Saddiiq

Abuu-Bakar Al saddiiq Magiciisa waa”Cabdullaahi Binu cismaan binu caamir binu camar binu kacab bunu sacad binu tiim biny murrah binu kacab binu lu’ayyi Al Qurayshiyyi Al Tamiimi”

Waxaa naanays u ah” Al sadiiq” Sababtoo ah wuxuu rumeyn jiray Nabiga wax walba oo uu u sheego iyo waxa looga soo sheego, Abuu-bakar waa Ninkii u horeeyey ee Ragga ka islaama oo Nabiga csw Rumeeya diinta Islaamka, wuxuu dhashay labo sano kadib sanadkii la magac Baxay “Sanadkii maroodiga”
“عام الفيل”
Sidoo kale Abuu-bakar wuxu ahaa Saaxiibka dhabta ah ee uu Nabigeena csw arin walba kala tashan jiray, Nabiga iyo isaga waxay ahaayeen Xidid dhow oo Nabigeena csw wuxuu qabay ” Caa’isha Bintu Abii-bakar Rc” Hijraddii Nabiga csw isaga ayaa ku weheliyey oo lagalay Godkii la magac baxay “Qaaru thawr” (غار الثور).

Allaha ka raali noqdee Abuu-bakar sidoo kale wuxuu ahaa Deeqsi aan lagu gaari karin Gacan furnaanta Cumar binu-Khidaab ayaa laga wariyey inuu yiri: [Nabiga csw ayaa Na amray inaan wax sadaqaysano, waxaan go’aansaday inaan Abuu-bakar kaga dheereeyo wax bixinta oo Nabiga ayaan ula imid xoolaygii kala barkood, Nabiga csw ayaa i weydiiyey Reerkaagii maxaad uga timid?
Waxaan ku jawaabay waxaan uga imid intaan oo kale kana dhigan kala bar, iyadoo ay sidaas xaaladu tahay ayaa abuu bakarna keenay hantidiisii, kadib intii aniga la iweydiiyey ayaa isna la weydiiyey wuxuuna ku jawaabay” Reerkaygii waxaan uga Imid Allaah swt iyo Rasuulkiisa csw” maalintaas wixii ka dambeeyey inan la tartamo Abuu bakar waan iska daayey ayuu yiri cumar binu Al khidaab!!

Abuu-bakar Allaha ka raali noqdee wuxuu ahaa Amiirkii muslimiinta kadib geeridii Nabigeena csw, wuxuu ka hortagay dagaaladii lamagac baxay “xuruub Al Riddah”
“حروب الرده”
Sidoo kale dadkii diiday zakada inay bixiyaan ayuu la dagaalamay isagoo yiri” Qofkii kala geeya salaadda iyo zakada dayn mayo” Sidoo kale wuxuu yiri: {Ilaahay ayaan ku dhaartaye haday ii diidaan Qool ay Nabiga csw siin jireen waan la dagaalamayaa”

Abuu-Bakar wuxuu dhalay ubad tiradoodu ay dhan tahay lix saddex Rag ah iyo saddex dumara dhamaantoodna way islaameen, magacyadooduna waxay kala yihiin:
(C/laahi , c/rixmaan, maxamed,Caa’sha, Asmaa, Umu kalthuum)

HADALADII UGU CAANSANAA EE UU YIRI ABUU-BAKAR WAXAA KAMID AHAA:
☆ .” Qofkii Nabi maxamed csw caabudi jirow Nabi maxamed wuu geeriyooday, qofkii Allaah swt Caabudi jirow Allaah wuu Noolyahay mana geeriyoonayo”
☆.Shaqaalihiinu waa sida shaqadiina aad u qabataan, sida xilka la idiinku dhiibay ayaad ahaan doontaan.
☆Oohintu kama qalasho ilaa qalbiyo Angagay mooyee, qabiyo angagayna waxaa sabab u ah damiyada oo batay!!
☆Yuusan xaqirin qof muslima qof kale oo muslim ah, Allaah agtiisa dadka la liido ayaa Ku weyn.
☆ Haddii uu khayr kaa tago gaar, haddii aad gaartidna u dheeree!!
☆Kan xaggiina ku tabar daran ayaa xagyga awooda kuleh si aan xaqiisa ugu soo dhiciyo, sidoo kale kan xaggiina awooda kuleh ayaa Xagayga ku ah mid liita si aan uga soo dhiciyo xaqa uu qaatay!!
☆Umad kama tagto jihaad ilaa uu Allaah dulli ka yeelo dushooda.

Wuxuu kamid ahaa Khulafaa’u al Raashidiin, abuu-bakar Rc wuxuu ahaa mid Deeqsiya oo qalbi jilicsan, oo U dhimriya dadka, sidoo kale wuxuu ahaa mid Geesiya, khayrka ayuu u tartami jiray, wuxuu ahaa mid Alle dartii u Ooya oo aan ceshan karin illinta markii la xuso wax argagax galiya naftiisa.

Geeridii Abuu-bakar Rc

Taariikhyahanadu waxay soo wariyaan inuu u geeriyooday labo arin mid kood oo kala ah:
1.Inay yuhuud sun ugu dareen cunto uu cunay .
2.sidoo kale inuu u geeriyooday xummad” Qandho” ku dhacday mar uu jawigu aad u qaboobaa qabys uu qabystay dartiis.

Wuxuu geeriyooday da’diisa oo ha 63sano, sanadkii 13 ee hijriga bishii Jamaadul Aakhir maalin isniin ah.

FG: ” Taariikh la barto iyo rag lagu dayado waxaa ugu sharaf badan Nabigeena csw Asxaabtiisii, fadlan baro oo bar kuwa aan aqoon ee afka soomaaliga ah ku hadla, taariikhda abuu-bakar intaan oo kaliya maahan way ka gudo weyn tahay balse intaan ayaan ku soo koobay.”