Qaramada Midoobey”Srael waxay go’doomisay shacabka GAZA”

Madaxa xuquuqda aadanaha QM ayaa ku eedeeyey Israel inay dadka Falastiiniyiinta duudsiisay xuquuqdooda aadanaha.
 
Zeid Ra’ad al-Hussein ayaa maanta kulanka gaarka ee golaha xuquuqda aadanaha QM ka sheegay in xaaladda dhulalaka la haysto ee reer Falastiin ay sii xumaanayso, islamarkaana dadka dhan 1.9 milyan ee ku nool Gaza ay ku jiraan xabsi marka ay dhashaan illaa ay ka dhintaan.
 
Kulanka QM ayaa la filayaa in lagu aasaaso guddi baara rabshadaha ka dhacay xadka Gaza ee toddobaadkan dilay 60 qof, islamarkaana dhaawacay 2,700 qof.
 
Safiirka Israel ee golaha xuquuqda aadanha QM, ayaa guddiga u sheegay in baaritaan lagu sameeyo rabshadaha Gaza aysan waxba ka beddeli doonin xaaladda dhabta ah ee halkaas ka taagan.
 
Dibadbaxyada Gaza ayaa kasii daray Isniintii, markii Mareykanka uu safaraddiisa Israel ka furtay magaalada Jerusalem.