Video:-Khasaare naf iyo maal leh oo ka dhashay Roobab xoog leh Oo ka da’ay Puntland

Biyo ayaa la tegay gaadiid marayey wadada u dhexaysa Boosaaso iyo Qardho, waxaa daadku qaaday gaari ay lix qof saarnaayeen, dadkaasi waxaa nolol lagu helay afar ka mid ah labadii kale iyo gaarigii ayaa lala’yahay.
 
Gaari kale oo isna biyuhu shil ku geliyeen meermeerka waxaa ku dhintay Alla Ha’unaxariistee Nin ganacsade ahaa oo lagu magacaabi jiray Abshir Jaamac Faarax ,sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad kale.
 
Sida ay sheegayaan qaar kamid ah hay’adda digniinta ka bixiya duufaanta, waxaa Waqooyiga Soomaaliya, Jabuuti iyo Gacanka cadmeed ku wajahan roobab iyo duufaan xoog badan, taas oo nooceedu yahay Tropical Cyclone 01A, laguna magacaabo ONE.
 
Duufaantan ayaa lagu wadaa in ay marka hore ku dhufan doonto Puntland 24ka saac ee soo socda ka dibna ay ku faafidoonto dhanka Somaliland iyo deegaannada kale ee dhexe.
 
Hay’addu waxay intaas ku dartay in duufaantaas ay wehelin doonaan robaab mahiigaanno ah,hoos ka daawo muuqaalka roobka.

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka