Beesha Sacad Muuse Oo Afar Nin caawa Hargaysa ku dishay

Nabadoon Axmed Bullaale Maxamed (Axmed aar)  waxuu kamid ahaa Nabadoonada Beesha Jaamac Siyaad.

Caawa ayaa lagu dilay Magaalada Hargaysa Nabadoonka iyo sadex masuul oo kale oo u kala dhashay beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli.

Dilka Ragan ayaa waxaa ka danbeeyay Dhalinyaro u dhalatay beesha Sacad Muuse Jibriil Abokor,waxaana loogu aarayay Talyihii Ciidamada Jeegaanta Maxamed Daa’uud ee lagu dilay jiida dagaalka ay isku hor fadhiyaan ciidamada difaaca Puntland iyo maleeshiyada Jeegaanta ee Gobolka Sool.

Ragan caawa lagu laayay Hargaysa ayaa la jiirsiiyay Gaari waxayna Dad goob joogayaal ah sheegeen in sida loo dilay Odoyaashan ay ahayd wax argagax leh oo laga xumaado.

Waa mid muujinaysa sida ay huf iyo been u tahay Dowladnimada ay sheeganayaan kooxda Jeegaanta,sidoo kale waxay fariin culus u tahay kuwa u dhashay beesha Harti ee isku qanciya dowladnimada Jeegaanta ee Somaliland.

Waxay dad badani is waydiinayaan waxa dhici kara hadii hal gacan dagaal xaalku sidaan iskugu badalay ee la filan karo hadii dagaalku sii socdo oo si fiican laysku fara saaro.

Laynta Ragan waa fariin ku socota shaqsiyaadka u adeega Jeegaanta ee kasoo jeeda beesha Harti.

Ilaahay ha unaxariisto nabadoon Aar iyo Raga kale ee caawa lagu laayay Hargaysa.