Shirkii aan caadiga ahayn Ee Golaha Wasiirada Dowlada Puntland oo shaki abuuray

Waxaa saakay iskugu yimid shir aan caadi ahayn golaha Wasiirada Xukuumada Puntland.
 
Shirkaas oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,ayaa looga dooday laba qodob oo kala ah:-
 
1.Duulaanka uu maamulka Jeegaanta ee Muuse Biixi hogaamiyo uu kusoo qaaday dhulka Puntland.
 
2.Shirkii Baydhabo ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka qodobadiii kasoo baxay.
 
Shirkan deg-deg ah ee ay iskugu yimaadeen Golaha Wasiirada Puntland ayaa laga soo saaray dhawr qodob ,kadib dood dheer oo ay ka yeesheen arimaha aan soo xusnay.
 
Qodobka ugu muhiimsan ee shirkan laga soo saaray ayaa ah in Dowlada Puntland u diyaar garoobayso dagaal lagu xoraynayo dhulka cadawga gacanta ugu jira,kaasoo sii daba dheeraan kara.
 
Sidoo kale waxaa shacabka ay ku boorisay Dowlada Puntland in ay garab istaagaan Ciidankooda,gaar ahaan shacabka Laascaanood.
 
Dad badan ayaa u arkay hadalkan kasoo baxay shirka aan caadiga ahayn ee ay iskugu yimaadeen Golaha Wasiirada Dowlada Puntland mid u muuqda xagal daacin dagaalka bilowday,isla markaana ay ka muuqato in aysan Dowlada Puntland diyaar u ahayn sii wadida dagaakaas.
 
Sidoo kale waxaa la filayay in lagu dhawaaqo xaalad deg-deg ah oo dalka la galiyo.
Waxaa sidoo kale shaki abuuray ku amrida lagu amray Puntland TV iyo guud ahaan saxaafada Dowlada maamusho hakinta dhiirigalinta dagaalka iyo guubaabada shacabka ee garab istaaga Ciidamada.
 
 
 
 
Hakan ka akhriso qodobada kasoo baxay.