Video:-Roobab mahiigann ah oo khasaare ka gaystay deegaanno ka tirsan Puntland.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba oo la hadlay BBC-da ayaa tibaaxay in Roobka daadadka watay uu Deegaano Xeebeedyo Bari katirsan uu ka da’ay.
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in 12 kii saac ee la soo dhaafay ay da’ayeen Roobab Mahiigaan ah, Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku geeriyootay Daadad kasoo rogmay Roobka Gobolka Bari.
 
Dhanka kalana Hirar waawayn oo badda laas Qoray ka soo kacay ayaa Burburiyay ku dhawaad 10 Doon oo ay la haayeen Dad Kalluumeysato ah.
 
Sidoo kale waxaa caawa Daad kasoo rogmaday Roobka ka da’ay buuraha Bari uusoo galay xaafado kamid ah Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar,hoos ka daawo muuqaalka.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka