Booyad Biyo usiday maleeshiyada Jeegaanta Oo gacanta ay ku dhigeen Ciidamada Difaaca Puntland

Waxaa saakay degan goobihii maalmo ka hor ay ku dagaalameen Ciidamada Difaaca Puntland iyo Maleeshiyada Jeegaanta ee Muuse Biixi.
 
Majiraan wax dagaal ah oo saakay ka dhacay jiida hore ee ay isku hor fadhiyaan labada Ciidan,
 
Ciidamada Difaaca Puntland ayaa waxaa si is daba joog ah usoo gaaraya gurmadyo ka kala imaanaya guud ahaan Gobolada Puntland.
 
Dhanka kale Ciidamada Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay Booyad Biyo usiday Maleeshiyada Jeegaanta iyo Darawaladii waday.
 
Booyada ayaa si ogaansho la’aan ah ugu gashay fariisin ay lahaayeen Ciidamada Difaaca Puntland.