Caare oo leexsaday Booyado Shidaal U waday Maleeshiyada Jeegaanta

Maamulka Jeegaanta ayaa dagaal xoog leh kula jira beesha Garxajis waxaana duleedka Burco Ciidan ku urursanaya Sarkaal lagu magacaabo Caare oo ka goostay Ciidanka maamulkaas.
 
Caare ayaa maalmo ka hor jidka ugalay oo leexsaday Booyado shidaal uwaday Maleeshiyada maamulka Jeegaanta ee dagaalka kula jira Ciidanka Difaaca Puntland Gobolka Sool.
Dhanka kale Suldaankii Beesha HabarYoonis Suldaan Maxamed Muuse (Cune),ayaa xalay si jujuub ah waxay ugala baxeen Ciidamada loo yaqaan RRU ee maamulka Jeegaanta Masaajidka Al-Ansaar xaafadda Kiiniya ee magaalada Burco.
 
Wararku waxay sheegayaan in xiliga Suldaanka la qabanayay la dhaawacay oo lagu dhex toogtay Masaajidka dhexdiisa Suldaan.
 
Dhaawaca Suldaanka,ayaa aad u culus waxaana lagu dabiibayaa isbitaalka Magaalada Burco.
 
Shacabka Burco,ayaa aad uga carooday dhacdadan waxayna abuurtay khalkhal iyo kacdoon shacab dhacdadan.