Agaasimiihii shanaad oo Puntland kasoo jeeda oo Khayre xilkii ka qaaday

Ra’isalwasaare khayre,ayaa xilkii ka qaaday Xoghiyihii joogtada ahaa ee Xaafiiskiisa.

Keynaan oo ahaa masuul ku caan ahaa hufnaan iyo shaqo gudasho ayaa soo ahaa tan iyo xiligii Ra’isalwasaare Cumar cabdirashiid xoghayaha joogtada ah ee xaafiiska Raisalwasaaraha Dowlada Fadaraalka Somaliya.

Xilka qaadista Keynaan mahan wax lala yaabo xilkuna waa meerto,balse waxa is waydiinta mudan ee dareenka goonida ah abuuraya,ayaa ah in Kaynaan uu ku waayay xilkiiisa kaliya in uu yahay muwaadin Somaliyed oo kasoo jeeda Puntland.

Kaynaan ayuu ku badalay Khayre Nin ay kawada shaqayn jireen NRC laguna magacaabo Axmed Nuur.

kaynaan waxuu udanbeeyay oo ku yahay kii shanaad Agaasimayaal dhawr ah oo ka tirsanaa Xaafiiska ra’isalwasaaraha kana soo jeeday Puntland oo xilalkoodii ku waayay in ay yihiin reer Puntland.

Ilaa iyo hada waxay bulshada Somaliyed la jaaahwareersan yihiin oo is waydiinayaan dagaalka uu kula jiro ra’isalwasaare Khayre Puntland iyo shacabkeeda.

Jibril Qoobey.